Liverpool Oo Loo Sheegay Laba Shardi Oo Hor Yaala Si Ay U Hesho Saxiixa Alexander Isak

Kooxda reer England ee Newcastle United ayaa laba shardi ku xidhay in ay Liverpool ka iibiso weeraryahanka heerka caalami ee dalka Sweden Alexander Isak, sida ay sheegayaan warbixino ka soo baxa Ingiriiska.

25 jirkaan ayaa bartilmaameedka koowaad u ah Reds xagaagan, laakiin Newcastle ayaa diiday dalabkii ugu horeeyay ee Reds ay ku dooneysay xiddiga reer Sweden.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Newcastle ay u baahan doonto inay la soo wareegto labo ciyaaryahan oo weerar ah ka hor inta aysan wada xaajoodka la gelin Liverpool.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Liverpool ay ku qasban tahay inay bixiso 150 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Sweden.

Weeraryahanka reer Sweden ayaa qandaraas kula jira kooxda Newcastle United ilaa xagaaga 2028.

Xiddiga reer Sweden ayaa dhaliyay 62 gool waxaana uu caawiyay 11 gool 109 kulan oo uu u saftay Newcastle tartamada oo dhan intii lagu jiray heshiis seddex sano ah ka dib markii uu kaga soo biiray Real Sociedad xagaagii 2022.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga