Liverpool ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa ee premier League iyaga oo guuldaro kale la kulmay iyaga oo jooga garoonkooda Anfield.
Murillo ayaa dhaliyay goolka ugu horreeya ee martida, daqiiqaddii 33-aad.
Nicolo Savona ayaa dhaliyay goolka labaad ee Nottingham Forest daqiiqaddii 46-aad ee qaybta labaad.
Morgan Gibbs-White ayaa sii xoojiyay hoggaanka kooxda martida daqiiqaddii 78-aad.
Nottingham Forest ayaa hadda leh 12 dhibcood, waxaana ay ku jirtaa kaalinta 16-aad ee horyaalka Premier League, hal dhibcood ayaa ka dambeysa kooxaha halista ku jira.
Dhanka kale, kooxda Reds waxay heysataa 18 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 11-aad ee horyaalka Premier League.
Reds ayaa la kulantay guuldaradii lixaad ee Premier League xilli-ciyaareedkan, taas oo ah guuldarada labaad oo xiriir ah kadib markii ay ku lumiyeen ciyaartii hore Manchester City 3-0.
Be the first to comment