
Saxafiga lagu kalsoon yahay ee David Ornstein ayaa sheegay in Liverpool ay diiday in ay ka hadasho suurtogalnimada in weeraryahanka reer Colombia ee Luis Diaz uu baxo, xilli ay Barcelona xiiso u qabto adeegiisa.
Ornstein ayaa ku sheegay akoonkiisa X in Barcelona ay la xiriirtay Liverpool si ay ugala hadasho saxiixa Diaz, laakiin kooxda Ingariiska ayaa ku wargelisay in ciyaaryahanka uusan iib ahayn.
Ilaha ayaa intaa ku daray in aysan u badneyn in Diaz uu qandaraaska u cusbooneysiiyo Liverpool, xitaa haddii ay la macno tahay inuu si bilaash ah uga tago ka dib marka uu qandaraaskiisu dhaco.
Waxaa xusid mudan in Diaz, oo 28 jir ah, uu Liverpool kula jiro heshiis dhacaya xagaaga 2027.
Be the first to comment