Liverpool Oo Iska Diiday Xiddig U Ciyaara Man United.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay fursad u heshay in ay Manchester United ku garaacdo saxiixa xiddig lagu qiimeeyo 42 milyan xagaagii laakiin way iska diiday.

Reds ayaa ku mashquulsan dabaaldega ku guuleysiga horyaalka Premier League ka dib markii ay 5-1 ku xasuuqeen Tottenham Axadii garoonka Anfield.

In kasta oo kaliya ay ku guulaysteen koobkoodii labaad ee Premier League, waa horyaalkii 20-aad ee Liverpool ee heerka sare ee Ingiriiska, taas oo ka dhigaysa kooxda ugu guulaha badan dalka oo ay weheliso kooxda ay xafiiltamaan ee United.

Waxa ku guulaysiga premier League ka dhigaya mid cajiib ah in Slot uu sameeyay kaliya hal saxiix isaga oo ku cusub premier League kuna qaadanaya xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Si kasta ha ahaatee tababaraha ayaa doonayay in uu sameeyo saxiixyo cusub kuna jiro Khadka dhexe.

Sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, Liverpool ayaa fursad u heshay saxiixa xiddiga Man United ee Mauel Ugarte.

Si kasta ha ahaatee Slot ayaa iska diiday in ay la soo saxiixato xiddiga reer Uruguay iyaga oo ku adkaystay xiddigaha ay haatan haystaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga