Liverpool ayaa guuldarro niyad-jab leh kala kulmay kooxda martida loo ahaa ee Brighton, kaddib markii looga badiyay 2-1 kulan ka tirsanaa wareegga 31-aad ee Horyaalka Premier League, kaas oo ka dhacay garoonka Amex Stadium.
Brighton ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 14-aad, markaas oo uu gool dhaliyay Danny Welbeck, halka Liverpool ay barbaraha keentay daqiiqaddii 30-aad, kaddib gool uu dhaliyay Milos Kerkez.
Brighton ayaa mar kale dhalisay goolka guusha, kadib kubad isdhaafsi ah oo soo gaartay Henshallwood oo hortiisa goolka yaallay, kaas oo si fiican ugu dhigay Danny Welbeck, wuxuuna si sahlan ugu dhaliyay shabaqa.
Liverpool ayaa ku hartay 49 dhibcood, waxayna si ku-meel-gaar ah ugu jirtaa kaalinta shanaad, halka Brighton ay gaartay 43 dhibcood, iyagoo si ku-meel-gaar ah ugu jira kaalinta siddeedaad.
Be the first to comment