Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Ac Milan & Real Madrid Oo Garaacday Stuttgart

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Ac Milan kulan ka tirsanaa champions League.

Ac Milan ayaa wakhti hore ka naxsatay Liverpool waxana ay daqiiqadii 3-aadba ka dhaliyeen gool uu u dhaliyay xiddiga Christian Pulisic.

Liverpool ayaa bilowday in ay raadiso bar-baraha iyaga oo la wareegay maamulista ciyaarta.

Daqiiqadii 23-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ibrahima Konate kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Liverpool ayaa ahayd kooxda fiican waxana ay sameeyeen fursado aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 41-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Virgil Van Dijk kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Reds ayaa iska khasaarisay fursado badan oo ay ku dhalin kartay goolal xilli ay Ac Milan ku dhibaatoonaysay in ay weeraro qaado.

Daqiiqadii 67-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay daafaca Dominik Szoboslai kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul soo laabasho elh ka gaadhay kooxda Ac Milan.

Dhinaca kale Kooxda Real Madrid ayaa guul ku  bilaabatay champions League iyaga oo 2/1  kaga badiyay kooxda Stuttgart.

Xiddiga Mbappe ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 46-aad waxana uu hogaanka ciyaarta u dhiibay kooxdiisa.

Laakiin Stuttgart ayaa daqiiqadii 68-aad iska soo baday goolka waxana bar-baraha u dhaliyay Denis Undav kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Daafaca Antonio Rudiger ayaa kooxdiisa Real Madrid daqiiqadii 83-aad u dhaliyay goolka 2-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Da’yarka ee Endrick ayaa daqiiqadii 90+5-aad dhaliyay goolka 3-aad kooxda Real Madrid isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul weyn.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga