
Kooxda Arne Slot ayaa si adag iskaga caabisay Wolves qeybtii labaad ee ciyaarta Anfield, balse ugu dambeyn waxay fursad u heleen inay guul gaaraan.
Liverpool ayaa mar kale dib u xaqiijisay hoggaanka horyaalka iyadoo todobada dhibcood kusii dheereysatay hoggaanka, kaddib markii Luis Diaz iyo Mohamed Salah ay dhaliyeen goolal muhiim ah, taasoo Reds u sahashay guul 2-1 ah.
Liverpool ayaa si xooggan ciyaarta ku bilaabatay, iyadoo Diaz uu ka faa’iideystay karoos uu soo laaday Salah, wuxuuna kubadda goolka ku dhammaystiray isagoo calooshiisa ku riixay – waana goolkiisii ugu horreeyay ee sanadka 2025.
Xiddiga reer Colombia ayaa markale fursad kale helay markii khalad toos ah uu ku galay goolhaye Jose Sa gudaha xerada ganaaxa, taasoo Salah u sahashay inuu rigoore si fudud u dhaliyo, Reds-na laba gool hoggaanka ciyaarta ay ku qabato kahor wakhtiga nasashada.
Dhanka kale, Salah ayaa gool laga diiday sababo la xiriira offside, halka VAR ay ka laabatay rigoore uu filayay Diogo Jota. Ugu dambeyn, Liverpool ayaa ciqaabtay fursadaha ay lumiyeen wolves, iyadoo Matheus Cunha uu si qurux badan kubad 20-yard ah ugu hubsaday geeska hoose ee shabaqa, balse taasi umey suurtagelin Wolves inay dhibco ka helaan Anfield.
Be the first to comment