
Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda West Ham oo marti ugu ahayd garoonka Anfield iyaga oo laba gool iyo hal gool ka dhaliyay kulan ka tirsanaa kulamada 32-aad ee horyaalka Premier League.
Kooxda uu hogaamiyo ninka reer Holland ee Arne Slot ayaa ku sii dhawaatay hanashada horyaalka Premier League, kadib markii ay sare u kacday farqiga dhibcaha ee ay ka horeeyaa kooxda Arsenal.
Kooxda Liverpool ayaa dhalisay goolka 1-aad daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Luiz Diaz kaas oo hogaanka ka dhigay 1/0.
Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson ayaa sameeyay badbaadino cajiib ah isaga oo kooxdiisa ka badbaadiyay goolal muhiim ah.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Liverpool isku dayday in ay dhaliso goolal kale laakiin uma suurtagalin in ay shabaqa soo taabato inkasta oo ay fursado fiican sameeyeen.
Xiddiga Andy Robertson ayaa si khaldan isaga dhaliyay gool waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.
Laakiin jawaabta ama fal celinta Liverpool ayaan habsaamin waxana goolka 2-aad u dhaliyay xiddiga Virgil Van Dijk kaas oo madax ka dhaliyay koorne uu soo dhigay Alexis Mac Allister.
Kadib guusha Liverpool, Reds ayaa dhibceheeda kor ugu qaaday 76 dhibcood oo ay ku hogaaminayso horyaalka premier League.
Be the first to comment