Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mohamed Salah

LIVERPOOL, ENGLAND - MARCH 31: Mohamed Salah of Liverpool in action during the Premier League match between Liverpool FC and Brighton & Hove Albion at Anfield on March 31, 2024 in Liverpool, England. (Photo by Chris Brunskill/Fantasista/Getty Images)

Wargeysyada Ingiriiska ayaa sheegay in kooxda reer England ee Liverpool ay go’aansatay mustaqbalka xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah.

Laacibka 31-jirka ah ayaa Reds kula jira heshiis dhacaya June 2025, waxaana lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo horyaalka Sacuudiga, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Shabakadda Ingiriiska ee “The Athletic” ayaa daaha ka qaaday in Mohamed Salah uu sii joogi doono Liverpool xilli ciyaareedka soo socda.

kooxda Ingariiska ay doonaysa inay  xoojiso kooxda xilli ciyaareedka ugu horreeya ee tababaraha reer Holland ee Arne Slot, oo ah tababaraha cusub ee Reds, halkii ay ka tagi lahaayeen ciyaartoy muhiim ah.

Xiddiga reer Masar ayaa xilli ciyaareedkii hore Reds ka qayb qaatay 44 kulan oo tartamada oo dhan ah isaga oo dhaliyay 25 gool isaga oo caawiye ka noqday 14 kale

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga