
Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay aqbasho dalabyada Ibrahima Konate xagaagan halkii ay u ogolaan lahayd in uu si bilaash ah ku tago sanadka dambe kadib markii ay istaageen wadahadaladii heshiis kordhinta.
Taasi waa sida uu qabo madaxii hore ee Man United iyo Blackburn Mick Brown, kaasoo weli aad ugu xiran ciyaarta dhexdeeda, isagoo si gaar ah ugu sheegay Football Insider in Arne Slot uu doonayo inuu 26 jirkaan ku bedelo suuqa kala iibsiga.
Inkastoo ay jeclaan lahaayeen in xiddiga heerka caalami ee dalka France uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda, waxay diyaar u yihiin inay iska fasaxaan haddii aan heshiis la gaarin.
Tani waxay timid ka dib markii Football Insider ay si gaar ah shaaca uga qaaday in Liverpool ay dooneyso inay xaliso mustaqbalka Konate xagaagan iyadoo 12 bilood oo kaliya ay ka harsan tahay qandaraaskiisa haatan.
Konate ayaa muhiim ka ahaa kooxda Liverpool xilli ciyaareedkii hore isaga oo door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysiga kooxda ee premier League.
Be the first to comment