Kooxda Liverpool ayaa ku dhawaaqday inay soo saartay buug cusub oo loogu magac daray “Forever in Our Hearts” (Weligii Qalbiyadeenna ku Jira), kaas oo lagu xusayo nolosha, xirfaddii kubadda cagta iyo dhaxalkii uu ka tagay xiddigii reer Portugal ee Diogo Jota.
Sida uu qoray wargeyska Btolat, buuggan ayaa lagu maamuusayaa Jota, oo geeriyooday 3-dii Luulyo 2025, isaga iyo walaalkiis kaddib shil gaari oo naxdin leh oo ka dhacay waddo ku taalla dalka Spain.
Geeridiisa ayaa murugo weyn ku abuurtay ciyaartoyda Liverpool iyo xulka qaranka Portugal, iyadoo dhacdadaasi ay saameyn nafsiyeed ku yeelatay ciyaartoy badan oo Liverpool ah xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa sidoo kale shaacisay in dhammaan faa’iidada ay kooxda ka hesho iibinta buuggan loo wareejin doono Liverpool Foundation, si loogu maalgeliyo barnaamij kubadeed oo loogu magac daray Diogo Jota.
Dhanka kale, Liverpool ayaa isku diyaarinaysa kulanka ay Axadda la ciyaari doonto Brighton, kaas oo qeyb ka ah wareegga toddobaad ee horyaalka Premier League.

