Liverpool Oo Go’aamisay Wakhtiga Uu Florian Wirtz Tijaabada Caafimaadka U Mari Doono Kooxda.

Florian Wirtz ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona Liverpool jimcaha kadib markii ay Reds ugu danbayn heshiis la gaartay Bayer Leverkusen.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa xagaagii oo dhan ku dadaaleysay saxiixa ciyaaryahanka.

Iyadoo labo sano ay ka harsan tahay qandaraaskiisa, Leverkusen ayaa awoodi karta inay sii haysato ilaa qiimuhu iyaga ku habboon yahay. Ka dib markii ay dib u celiyeen labadii dalab ee furitaanka Liverpool, heshiis ayaa la isku raacay usbuucii hore.

Reds ayaa wadar ahaan ku bixin doonta 116 milyan oo euro 100 milyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa halka hore laga bixin doonaa halka 16-ka milyan ee dambe lagu bixin doono gunooyin.

Sida laga soo xigtay The Athletic, tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka dhameystirka heshiiska ayaa dhici doonta Jimcaha marka Wirtz uu maro tijaabada caafimaadka.

22-jirkan ayaa imaan doona UK maalmaha soo socda si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxdiisa cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga