Liverpool Oo Garaacday Yokohama FC Iyo Florian Wrizt Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeeyay Ee Liverpool.

Liverpool ayaa 3-1 ku garaacday kooxda Yokohama FC kulan saaxiibtinimo oo maanta oo Arbaco ah ka dhacay garoonka Nissan Yokohama Stadium.

Yokohama ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta 55-aad waxana u dhaliyay goolka xiddiga Asahi Uenaka, halka Liverpool ay la timid goolka barbaraha waxaana u dhaliyay Florian Wirtz daqiiqadii 62-aad.

Daqiiqadii 67-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Trey Nyoni,halka goolka 3-aad uu u dhaliyay xiddiga Rio Ngomoha daqiiqadii 87-aad ee ciyaarta.

Liverpool ayaa kulan saaxiibtinimo la ciyaari doonta Bilbao Axada soo socota, ka dibna waxa ay wajihi doontaa Crystal Palace Community Shield 10ka Bisha August.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga