Liverpool Oo Garaacday Real Betis Kulan Ka Mid Ahaa Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Real Betis kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Reds ayaa ku soo gashay shax adag oo ay u badan yihiin xiddigo da’yar ah inkasta oo ay xiddigo kooxda 1-aad ah ku jireen.

Xiddigaha Salah, Szoboszlai, Fabio Carvalho iyo xiddigo kale ayaa ka mid ahaa xiddigaha ciyaarayay kulanka ee kooxda 1-aad.

Daqiiqadii 34-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dominik Szoboszlai kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Liverpool ayaa isku dayday in ay sii wado dhalinta goolasha iyaga oo sameeyay fursado badan.

Laakiin uma suurtagalin arintaas waxana ay ciyaartu ku dhamaatay 1/0 ay Liverpool ku badisay kulanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga