Liverpool Oo Dar-Dargalinaysa Baacsiga Badalka Wataru Endo.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay “dardargelinayso” u dhaqaaqista ciyaaryahan khadka dhexe ee daafaca xagaagan iyadoo ay jirto xiisaha Wataru Endo, sida laga soo xigtay Football Insider.

Reds ayaa diiday dalab uga yimid Marseille oo ku aadan Endo todobaadkii hore. Xiddiga reer Japan ayaa la keenay Anfield xagaagii hore ka dib markii ay ka tageen Jordan Henderson iyo Fabinho una dhaqaaqi waayeen Moises Caicedo iyo Romeo Lavia.

Si kastaba ha ahaatee, khabiirka khadka dhexe waligiis looma arkin xal mustaqbalka fog ah balse waxa loo arkaa xiddig mustaqbalka dhaw ah.

Cidda ay Liverpool u hesho xal macquul ah ayaa la arki doonaa. Reds ayaan wali u dhaqaaqin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga