Liverpool Oo Dajisay Qorshe U Fududaynaya Saxiixa Marc Guehi. 

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay u soo bandhigto kooxda Crystal Palace xiddiga garabka reer Scotland ee Ben Doak si ay uga qayb dhigto heshiiska ay ku doonayso saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Marc Guehi.

Reds ayaa qorsheyneysa inay lasoo saxiixato daafac dhexe ka dib markii Jarell Quansah uu go’aansaday inuu ku biiro Bayer Leverkusen.

Kooxda heysata horyaalka Ingariiska ayaa tartan kala kulmi doonta Newcastle United iyo Manchester United tartanka loogu jiro saxiixa Guehi.

Sida laga soo xigtay The Sun, Palace ayaa dooneysa inay la soo wareegto Doak xagaagan ka dib qaab ciyaareedkiisii ​​wacnaa ee Championship xilli ciyaareedkii hore, xilli uu amaah kula joogay Middlesbrough.

Waxa uu dhaliyay 3 gool,waxana uu caawiye ka ahaa todobo gool,iyadoo Boro ay ku dhameysatay kaalinta 10-aad ee horyaalka heerka labaad.

Liverpool ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay daafaca dhexe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga