Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England Anthony Gordon ayaa xagaagan oo dhan lala xiriirinayay Liverpool, waxaana ay u muuqataa in Reds aysan weli qorsheyneynin inay ka tanaasulaan baacsiga ay ku doonayaan ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Newcastle.
CaughtOffside ayaa ku warameysa in Liverpool ay bilaawday inay dib ula xaajoodaan xiddiga heerka caalami ee dalka England, inkastoo tababaraha Newcastle Eddie Howe uu horay u cadeeyay inaysan wax niyad ah u qabin inay iska iibiyaan.
Laakiin sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay Liverpool ayaa isku dayi doonta in ay ciyaartoyda qaar u soo bandhigto Newcastle si ay qayb uga ahaadaan heshiiska.
Waxaa jiray warar hore oo tilmaamayay suurtogalnimada in heshiiska lagu soo daro daafaca da’da yar ee Jarrell Quansah, iyadoo Newcastle ay xiiseyneysay, laakiin Reds ma aysan dooneynin inay ku heshiiyaan bixitaanka daafaca sababtoo ah waxay u arkaan mid aad muhiim u ah.
Laakiin fikradda ah in ciyaartoyda qaar lagu daro heshiiska ayaa ah mid suurtagal ah si ay Liverpool ugu qanciso Newwcastle in ay iibiso xiddiga.
Taariikhda ayaa soo jeedinaysa in Michael Edwards iyo Richard Hughes ay maskaxda ku hayaan lacagta lagu iibinayo weeraryahanka, sidaas darteed haddii lacagtaas la diido Liverpool waxay raadin doontaa bartilmaameedyo kale.
Be the first to comment