
Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen iyaga oo isha ku haya in ay dib u soo nooleeyaan doorkooda weerarka ka hor xilli ciyaareedka soo socda daafacashada horyaalka Premier League.
Kooxda Slot ayaa si weyn uga dhexmuuqda suuqa Kala iibsiga xagaaga iyaga oo ilaa haatan sameeyay 3 saxiix.
Liverpool ayaa u muuqata in ayna halkaas ku joogsan doonin iyaga oo doonaya saxiixyo kale.
Sida wararku ay sheegayaan kooxda ayaa u soo bandhigtay Napoli labada ciyaaryahan ee aan boos ka haysan ee Darwin Nunez iyo Federico Chiesa si ay u helaan Victor Osimhen oo xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay Galatasaray.
Qandaraaska Osimhen ee Napoli ayaa lagu soo waramayaa inuu ku kacayo 64.2 milyan oo euro Liverpool ayaa diyaar u ah inay Nunez ku iibiso ugu yaraan 59 milyan halka at Chiesa ku qiimayso 10 milyan oo Euro.
Be the first to comment