Liverpool Oo Calaamadsatay Badalka Trent Alexander-Arnold Hadii….

Liverpool ayaa calaamadsatay bedelka Trent Alexander-Arnold hadii uusan Heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Kabtan ku xigeenka Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Real Madrid kuwaas oo isha ku haya saxiixiisa.

Alexander-Arnold waa ciyaaryahan aad muhiim ugu ah Reds, waana qof u muuqda inuu haysto dhammaan qalabkii uu kabtan ugu noqon lahaa kooxdiisii ​​carruurnimada maalin, gaar ahaan iyadoo Virgil van Dijk uu sii weynaanayo.

Caught Offside ayaa sheegaya in Liverpool ay wadahadalo kula jirto xiddiga si uu heshiis cusub ugu saxixo kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, wargayska ayaa sheegaya in Liverpool ay isha ku hayso daafac kale oo midig hadii ay dhacdo in Alexander-Arnold aanu qalinka ku duugin heshiis cusub.

Haddii uu ka tago Merseyside, waxaa la sheegay in Liverpool ay u dhaqaaqi doontaa xiddia Lutsharel Geertruida.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga