Liverpool Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay West Ham.

Kooxda Liverpool ayaa sii wada luminta dhibcaha premier League iyaga oo bar-baro la galay kooxda West Ham.

Liverpool ayaa sidii caadada ahayd maamulaysay ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatoonaysay in ay gool u badasho fursadihii ay heleen.

Kooxda West Ham ayaa daqiiqadii 42-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jarred Bowen kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Qaybtii dambe ayay Liverpool ku bilaabatay raadinta goolka bar-baraha iyaga oo aan kala joojinayn weerarka.

Daqiiqadii 48-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Andy Roberton kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Liverpool ayaa sii waday dadaalka waxana ay daqiiqadii 65-aad heshay goolka 2-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddig West Ham ah.

Kooxda West Ham ayaa daqiiqadii 77-aad ku soo laabatay ciyaarta waxana bar-baraha u dhaliyay Michail Antonio kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool sii waday niyad jabkii kulamada premier League ee ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga