Liverpool ayaa barbaro 1-1 la galay Burnley kulan ka dhacay garoonka Anfield, kaas oo ka tirsanaa wareegga 22-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League).
Kulanka waxaa Liverpool ka qasaariyey rigoore uu tuuray Dominik Szoboszlai daqiiqaddii 33-aad, ka hor inta uusan Florian Wirtz si guul leh u furin goolasha Reds daqiiqaddii 43-aad.
Qeybtii labaad ee ciyaarta, Marcus Edwards ayaa u dhaliyay Burnley goolka barbaraha daqiiqaddii 65-aad, waxaana kulanku ku dhammaaday in labada kooxood ay wadaagaan dhibcaha.
Barbarahan kaddib, Liverpool waxay gaartay 36 dhibcood iyagoo galay kaalinta afaraad ee kala sarreynta Horyaalka Ingiriiska, halka Burnley ay kor u qaadday dhibcaheeda 14 dhibcood, kuna jirto kaalinta 19-aad.
Be the first to comment