Liverpool Oo Badalka Klopp Heshay, Kooxdee Ayay Ka Heshay?

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay heshay badalka tababare Jurgen Klopp sida ay sheegayaan wararku.

Reds ayaa lala xidhiidhinayaa tababarayaal badan oo ay ka mid yihiin tababaraha Brigton ee Roberto De Zerbe, Tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso iyo tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel.

Sida laga soo xigtay jariiradda The Independent ee ka soo baxda dalka Ingiriiska tababaraha reer Portugal ee Rubén Amorim oo haatan hogaamiya Sporting Lisbon ayaa noqday musharaxa ugu cad-cad in uu hogaamiyo Liverpool.

Wargeyska Ingiriiska ayaa sii waday in Amorim uu yahay dookh lagu qanci karo isla markaas horay u wadi kara kooxda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tababaraha reer Spain ee Xabi Alonso, tababaraha Bayer Leverkusen, uu u janjeero inuu qabto hogaanka Bayern Munich.

Tababare Amorim ayaa la wareegay kooxda Sporting bishii March ee sanadkii 2020.

Waxaa xusid mudan in Klopp uu ku dhawaaqay bishii January in uu isaga tagayo kooxda Reds ka dib dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga