Liverpool Oo 11Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka Premier League

Liverpool ayaa tallaabo kale u qaaday hanashada horyaalka Premier League kadib markii ay 2-0 ku garaaceen Manchester City, xilli Mohamed Salah uu goolka koowaad dhaliyay, isla markaana caawiyay goolka labaad ee Dominik Szoboszlai, taasoo Reds ka caawisay inay 11 dhibcood ku qabtaan hogaanka.

Kooxda Arne Slot ayaa haatan leh 64 dhibcood 27 kulan kadib, halka Arsenal oo kaalinta labaad ku jirta uu hal kulan baaqi u yahay. Manchester City waxay ku sugan tahay kaalinta afaraad iyagoo leh 44 dhibcood, iyadoo rajadii ay ka qabeen hanashada horyaalka haatan u muuqato mid soo afjarmatay, taasoo ka dhigtay in tartankooda uu noqdo mid ay uga dagaalamayaan booska Champions League.

Salah, oo ah gooldhaliyaha horyaalka xilli ciyaareedkan, ayaa daqiiqadii 14-aad dhaliyay goolkiisii 25-aad ee xilli ciyaareedka, isagoo kubbad ka helay koorne kaddibna si xooggan ugu toogtay banaanka xerada ganaaxa, taasoo ku dhacday lugta Nathan Aké kahor inta aysan shabaqa gaarin.

Szoboszlai ayaa sii xoojiyay hogaanka Liverpool daqiiqadii 37-aad kadib markii uu ka faa’iidaystay qaladaadka daafaca City. Salah ayaa kubbad si fiican ugu dhigay ciyaaryahanka reer Hungary oo aan cidna la joogin, taasoo u sahashay inuu si fudud shabaqa ku hubsado gool qurux badan. Taageerayaasha City ayaa si weyn uga niyad jabay bandhigii liitay ee kooxdooda, iyadoo roob xooggan uu ka da’ayay Etihad Stadium xilli ay guuldarro xanuun badan la kulmayeen.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga