Liverpool, Arsenal Mise Man City? Neil Warnock Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Tababarihii horee Premier League Neil Warnock ayaa Liverpool u saadaaliyay in ay horyaalka ku garaacdo Man City iyo Arsenal.

Kooxda Liverpool ayaa 2 dhicood ku hogaaminaysa horyaalka premier League xilli ay 8 dhibcood ka dhimantahay horyaalka premier League.

Warnock ayaa qiimeeyay natiijooyinkii kulamadii todobaadkii hore waxana uu ka hadlay kulankii ay bar-baraha ku kaleen kooxaha Man City iyo Arsenal.

“Kaasi waxa uu ahaa mid ka mid ah Kulamada ugu xun, waxan aaan qabaa in aan isaga tagay oo aan koob shaah ah soo samaystay intii ay ciyaartu sooctay”.

“Laakiin Liverpool amaan ayay u qalantaa, waxa ay heleen natiijo fiican”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aan markii hore u saadaaliyay Man City ku guulaysiga horyaalka laakiin haatan waxa ay 3 dhibcood ka dambaysaa Liverpool sidaas darteed waxa aan filayaa in ay Liverpool ku guulaysato horyaalka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga