Kylian Mbappe ayaa saadaaliyay in Liverpool aysan ku guuleysan doonin horyaalka Premier League inkasta oo ay sameeyeen suuq-xirid cajiib ah xagaagan.
Liverpool ayaa jabiyay rikoorka Ingiriiska iyagoo la soo wareegay Alexander Isak, taasoo miisaaniyadda suuqa xagaaga ka dhigtay mid ka badan £400 milyan.
Marka laga soo tago £125 milyan oo ay ku bixiyeen weeraryahanka Newcastle United, Isak, Liverpool sidoo kale waxay £200 milyan ku qarash gareeyeen xiddigaha waaweyn Florian Wirtz iyo Hugo Ekitike.
Suuq-xirid cajiib ah ayaa si weyn u xoojisay rajada Liverpool ee ah inay ku guuleystaan horyaalka Premier League, balse Mbappe wuxuu rumeysan yahay in koobka uu meel kale aadayo.
“Dabcan, Liverpool waa in marka hore la xusaa, maadaama ay si weyn ugu go’an tahay inay hanato hal koob kadib mid kale,” ayuu xiddiga Real Madrid u ciyaara, Kylian Mbappe, u sheegay wargeyska Bild.
“Laakiin sidoo kale rajo weyn ayaan ka qabaa Arsenal, sababtoo ah kooxda intiisa badan muddo dheer ayay is garanayeen, taasina waa arrin muhiim ah kubadda cagta.
“Manchester City-na had iyo jeer waa hormuud, iyadoo ay hogaaminayaan Pep Guardiola iyo Erling Haaland.”
Be the first to comment