Liverpool, Arsenal Mise Man City? Danny Murphy Oo Hal Koox Ka Saaray Tartanka Premier League

Danny Murphy ayaa kooxda Arsenal ka saaray tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo sheegay in uuna arki karin in ay Gunners horyaalka ku garaacdo kooxaha Man City Iyo Liverpool.

Liverpool, Arsenal iyo Man City ayay u dhexaysaa 3 dhibcood kadib 29 kulan oo la ciyaaray laakiin xiddigii hore ee khadka dhexe ee England Murphy ayaa aaminsan in Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ay leeyihiin kulamo fudud.

Murphy ayaa sheegay in tartanka horyaalku yahay mid adag laakiin waxa uu sheegay in ay kooxda Liverpool ciyaarayso kulamo ka fudud kuwa Arsenal halka ay Man City sidoo kale ugu cad-cadahay horyaalka.

47 jirkaan ayaa ku tilmaamay kulamada ay Arsenal martida u yihiin Brighton, Manchester United iyo kooxda ay ku xafiiltamaan waqooyiga London ee Tottenham ay yihiin kuwo ku adag Kooxda Mikel Arteta.

“Tani waa waxa aan ka dooneyno tartanka horyaalka Premier League,” Murphy ayaa ku yiri talkSPORT.

“Haddii aadan ahayn taageere Man City waxaad u badan tahay inaad rabto qof kale inuu ku guuleysto horyaalka premier League”.

Waxaan doonayay in Arsenal ay ku guuleysato sannadkii hore, tusaale ahaan. Ma ahan inaanan la dhacsanayn Man City, dabcan waan la dhacsanahay waa koox cajiib ah oo leh tababare weyn. Laakiin waxaan u baahanahay Tartanka Premier League”.

“Uma maleynayo in Arsenal ay ku guulaysan doonto horyaalka sabab la xidhiidha kulamada u hadhay”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga