
Lisandro Martinez ayaa sheegay in Manchester United ay si fiican u ciyaareysay ka hor inta aysan guuldaro 3/0 ah kala kulmin kooxda Bournemouth axadii.
Kooxda Ruben Amorim ayaa garoonka Old Trafford soo gashay iyaga oo isha ku haya in ay sii xoojiyaan guushii hore ee ay ka gaadheen Manchester City.
Taa bedelkeeda, Red Devils ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Old Trafford.
United ayaa haatan laga badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, sidoo kale waxay guuldaro kala kulmeen Arsenal iyo Nottingham Forest iyaga oo ku jira kaalinta 13-aad.
Si kastaba ha ahaatee, Martinez ayaa qabay fikradda ah in United ay wacdaro ka dhigtay Masraxa Riyada ka hor inta aan 2 gool laga dhalin.
Wuxuu yiri: “Aad ayaan u niyad jabnay, sababtoo ah waxaan u maleynayaa inaan si fiican u ciyaareyno, waxaan abuurnay fursado badan, nasiib darro ma aanan dhalin karin gool, marka waa niyad jab”.
“Waa inaan hagaajinaa dhowr waxyaabood, gaar ahaan kubadaha karooska ah, waana inaan ku bilownaa ciyaaraha anagoo dhalinayna goolka koowaad”.
“Waan ka shaqeyn doonaa midaas, waxaan u maleynayaa inaan heysano tababare weyn iyo sidoo kale koox weyn, kooxdaan, guul daro waa wax aan la aqbali karin laakiin waxaan halkaan u joognaa inaan wax ka bedelno”.
Be the first to comment