Lionel Messi Oo Magacaabay Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Ballon d’Or Sanadaha Soo Socda.

Lionel Messi ayaa soo xushay afar ciyaartoy oo uu is leeyahay way ku tartami karaan abaal marinta Ballon d’Or ee soo socota.

Messi ayaa ku guuleystay Ballon d’Or-kiisii ​​sideedaad ee Paris bishii October, ka dib markii 100 saxafi oo ka kala socda wadamada ugu sareeya FIFA ay u doorteen ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

Waxa uu u doortay xiddiga Man City ee Erling Haaland iyo saaxiibkiisii ​​hore ee PSG Kylian Mbappe in ay ku tartamaan abaalmarinta ugu qaalisan kubada cagta.

Waa iska cadahay in Messi uusan waligiis joogi doonin, waxaana uu haatan u ciyaarayaa kooxda ka ciyaarta America ee Inter Miami.

Laacibka reer Argentina ayaana haatanba ka hadlay ciyaartoyda ku tartami doona abaal marinta Ballon d’Or sanadaha soo socda maadaama aan galeyno waa cusub.

“Ciyaartoyda u tartami doona Ballon d’Or sanadaha soo socda? Waxaa dhici karta in uu jiri doono xafiiltan u dhexayn doona xiddigaha Haaland, Mbappe, Vinicius iyo ciyaartoy badan oo da’yar ah oo u tartamaya Ballon d’Or”.

“Waxaan sidoo kale qabaa in Lamine Yamal, oo weli aad u da’yar, haatanna u ciyaara Barcelona, ​​ay door muuqda ka ciyaari doonto mustaqbalkana, waxaana hubaal ah inay jiri doonaan kuwa kale oo u tartami doona, ciyaartoy cusub oo aan sameyn doono. Ma garanayo inay soo muuqan doonaan, sababtoo ah had iyo jeer waxaa jira ciyaartoy cusub, waxaana qabaa inay noqon doonto xilli aad u qurux badan oo lagu raaxaysan karo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga