Halyeeyga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ka fal celiyay abaal marinta Ballon d’Or ee sanadka 2024-ka.
Habeenimadii Isniinta, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City iyo Spain Rodri ayaa Ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or 2024.
Xiddiga reer Spain ayaa ku dhameystay kaalinta 1-aad isaga oo ka horeeyay xiddigaha Vinicius Junior, Jude Bellingham iyo Dani Carvajal.
Rodri ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee khadka dhexe tan iyo Luka Modric oo ku guulaystay abaalmarinta sanadka 2018.
Dhanka kale Emiliano Martinez ayaa helay Yashin Trophy halka Lamine Yamal loo magacaabay ku guuleystaha Kopa Trophy.
Isaga oo xaflada ka dib soo dhigay baraha bulshada, ku guulaysta 8-da jeer Ballon d’Or Messi ayaa soo qoray: “Hambalyo dhamaan ku guulaystayaasha iyo kuwa u sharaxan Ballon d’Or 2024″.
“Gaar ahaan Emiliano Martinez oo ku guulaystay abaalmarin kale isla markaas ah Goolhayaha ugu fiican adduunka”.
Be the first to comment