Lionel Messi Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Horay U Dhigay Zlatan Ibrahimovic

Lionel Messi ayaa bar-bareeyay rikoor gooldhalinta ee Major League Soccer (MLS) kadib markii uu labo gool ka dhaliyay ciyaartii Arbacadii ay kooxdiisa Inter Miami 4-0 uga adkaatay New York City FC oo lagu ciyaaray garoonka Yankee Stadium.

Kooxda Inter Miami (The Herons) ayaa waqtigii nasashada gashay iyaga oo gool ku hogaaminaya ciyaarta kaas oo uu u dhaliyay Matt Freese.

Messi ayaa dhaliyay goolkiisa daqiiqadii 73-aad isaga oo farshaxan leh kubadda u dhaliyay goolka.

Messi ayaa sidoo kale bar-bareeyay rikoor dhanka gooldhalinta ah isagoo ciyaartii ka dhacday garoonka Yankee Stadium noqday ciyaaryahankii afaraad ee labo ama in ka badan goolal ka dhaliya sagaal kulan hal xilli ciyaareed gudaheed ah oo MLS ah.

Xiddigii hore ee ay Messi isku kooxda Barcelona ahaayeen ee Zlatan Ibrahimovic ayaa rikoodhkan horay u haystay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga