Robert Lewandowski ayaa ku dhiiri galiyay taageerayaasha Manchester United in ay u samraan Joshua Zirkzee inta uu weeraryahanka la qabsanayo nolosha Premier League.
Zirkzee ayaa yimid Old Trafford isagoo kooxda ugu soo biiray kooxda lacag dhan 36.5 milyan oo euro isaga oo kaga soo biiray kooxda Bologna.
Kadib markii uu gool dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee premier League, Zirkzee ayaa ku dhibaatooday in uu wax gool ah dhaliyo 16 kulan oo xidhiidh ah.
Zirkzee ayaa sidoo kale ku dhibaatoonaya xulka qaranka Netherlands isaga oo aan wax gool ah u dhalin kulamadii Nations League.
Weeraryahanka Barcelona ee Lewandowski ayaan ka shakisanayn saaxiibkiisii hore isla markaas uu si fiican u ciyaari doono.
“Si fiican ayuu u ciyaaraa marka laga hadlayo goolasha, waxa uu hayn karaa kubada, waxa uu ciyaari karaa basas fiican waxa uu leeyahay dhamaystir fiican”ayuu yidhi.
“Sida dabiiciga ah waxa uu u baahanyahay wakhti, waa iska caadi hadii aad koox weyn ku biirto in wax badan lagaa filayo”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment