Leny Yoro Oo Shaaciyay Halyeey Man United Ah Oo Door Ka Qaatay In Uu Ku Biiro Man United.

Leny Yoro ayaa qirtay in halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand uu door weyn ka qaatay ku qancinta u dhaqaaqista Premier League.

18-sano jirkaan ayaa kasoo muuqday kulankiisii ​​ugu horeeyay isagoo xiran maaliyada United sabtidii, isagoo kasoo muuqday kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Rangers kulan saaxiibtinimo, ka dib markii uu iska diiday fursad uu ugu biiro kooxda Real Madrid.

waraysigiisii ​​ugu horreeyey tan iyo markii uu u soo wareegay Old Trafford, Yoro waxa uu daaha ka qaaday wada-hadalladii uu la yeeshay Ferdinand – kaas oo sannadkii 2002-dii noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa kubbadda cagta Ingiriiska ee taariikhda wakhtigaas oo uu ku biiray United iyo difaaca ugu qaalisan dunida markii labaad.

taasi waxay ka caawisay inuu ku qanciyo in Premier League uu yahay meesha ugu fiican ee uu ka ciyaari lahaa.

“Waxay ahayd laba toddobaad ka hor [markii aan markii ugu horreysay ee aan la hadlo Rio”ayuu Yoro yidhi.

“Markii ugu horaysay wuu ila soo hadlay runtii aad ayaan ugu farxay in uu ila soo hadlay waxa aan wada-hadalnay ilaa 10 daqiiqo isaga oo iiga sheekeeyay Man United”.

“Wax badan ayuu iga caawiyay inaan doorto, runtii sharaf ayey ii ahayd inaan la hadlo isaga, wuxuu igala hadlay kooxda, iyo in kooxdani ay tahay koox taariikhi ah oo sheeko weyn leh, hadii aan halkaas aado waxaan u baahanahay inaan dagaalamo”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga