Leny Yoro Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Ku Aadan Ku Biirista Man United.

Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa 18-jirka tayada leh ee Leny Yoro kaasoo ay kala soo wareegeen Lille.

Waxa uu ka hadlay fikirkiisa ku aadan dhameystirka heshiiska United oo ciyaaryahanka kula soo wareegtay lacag dhan 50 milyan oo euro.

Yoro ayaa yiri: “Inaan u saxiixo koox leh magaca iyo Hamiga Man United ah waliba bilowga xirfadayda waa arin cajiib ah”.

“Tan iyo markii ugu horeysay ee aan la hadlo kooxda, waxay dejiyeen qorshe cad oo ku saabsan sida aan ugu horumarin karo Manchester taas oo qayb ka ah mashruucan xiisaha leh, waxayna muujiyeen daryeel badan aniga iyo qoyskayga”.

“Waan ogahay taariikhda ciyaartoyda da’da yar ee Manchester United, waxaana dareemayaa inay noqon karto meesha ugu fiican ee aan ku gaari karo heerkayga ugu sareeya, ma sugi karo inta aan bilaabayo shaqada”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga