Garabka kooxda Barcelona, Lamine Yamal, ayaa fiidnimadii Sabtida dhigay laba rikoor kadib markii uu dhaliyay saddexleey (hat-trick) kulankii ay kooxdiisu 4-1 kaga badisay Villarreal ee horyaalka LaLiga.
Sida ay sheegtay OptaJose, Yamal hadda wuxuu ka mid noqday ciyaartoyda ugu da’da yar qarnigan 21-aad ee dhaliya saddexleeydii ugu horreysay ee LaLiga.
Wuxuu guushan gaaray isagoo jira 18 sano iyo 230 maalmood.
Ciyaartoy kale oo sidaas sameeyay waxaa ka mid ah Gio dos Santos (19 sano iyo 6 maalmood) kulankii ay la ciyaareen Murcia bishii May 2008, iyo Santi Mina (19 sano iyo 125 maalmood) kulankii Rayo Vallecano bishii April 2015.
Sidoo kale, saddexleeydiisa kulankii Villarreal waxay ka dhigan tahay in xiddiga xulka Spain uu dhaliyay 26 gool 95 kulan oo LaLiga ah, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee gaara 25 gool ka hor inta uusan gaarin 19 sano jir horyaalada shanta waaweyn ee Yurub qarnigan 21-aad.
Yamal hadda wuxuu rajeynayaa inuu Barcelona ku hoggaamiyo guul marka ay la ciyaarayaan Atletico Madrid lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey maalinta salaasada.
Be the first to comment