Lamine Yamal Oo Maray Waddadii Lionel Messi.

Da’yarka wacdaraha dhigaya ee Lamine Yamal ayaa taageerayaasha adduunka xasuusiyay Halyeeyga Barcelona ee Lionel Messi.

Lamine Yamal Ayaa taariikh ka sameeyay tartanka Euro 2024 oo uu kala qayb galay tartankii lagu soo gaba-gabeeyay Germany.

Kadib dhamaadkii tartanka Lamine Yamal ayaa ku laabtay kooxdiisa Barcelona oo uu ka helay Hadiyad qaali ah.

Kooxda Barcelona ayaa shaacisay lambarka cusub ee uu Lamine Yamal u xidhan doono kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Lamine Yamal ayaa kooxda Barcelona u xidhan doono maaliyadii uu ku soo shaac baxay Messi ee No.19 sida ay xaqiijisay Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga