Labadii kooxood ee ugu horreeyay ayaa laga reebay tartanka Champions League xilli-ciyaareedkan habeenkii Talaadada.
Kooxahaas waa Villarreal iyo Kairat Almaty, kuwaas oo hadda ku jira kaalmaha 35-aad iyo 36-aad ee marxaladda horyaalka.
Labada kooxoodba way ka huleeleen tartanka kaddib guuldarrooyin ay kala kulmeen Club Brugge iyo Ajax.
Villarreal ayaa 2–1 kaga badisay Ajax, halka Kairat Almaty si xun loogu garaacay 4–1 iyada oo ay ka badisay Club Brugge.
Labada kooxood waxay haystaan hal dhibic oo keliya kaddib toddobo kulan oo ay ciyaareen.
Sida uu dhigayo nidaamka cusub ee tartanka, 24 ka mid ah 36-da kooxood ee ka qaybgalaya ayaa u gudbi doona wareegga bug-bixa.
Si kastaba ha ahaatee, siddeedda kooxood ee ugu sarreeya ayaa si toos ah ugu gudbi doona wareegga 16-ka.
Be the first to comment