Alan Shearer ayaa u magacaabay Elliot Anderson iyo Nikola Milenkovic laba musharax oo u taagan saxiixii ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedkan.
Labada ciyaaryahan ayaa ku biiray Nottingham Forest suuqii xagaaga ee ugu dambeeyay, waxaana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan.
Forest waxa ay Anderson kala soo wareegtay Newcastle United iyaga oo ka soo bixiyay 35 milyan oo euro.
Anderson ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo caawiyay 5 gool 15 kulan premier League xilli ciyaareedka.
Dhanka kale daafaca Milenkovic ayaa Forest ugu soo biiray 12 milyan isgaa oo kaga soo biiray Fiorentina.
Shearer ayaa la waydiiyay cida uu u arko saxiixyada ugu fician ilaa haatan xilli ciyaareedka.
“Ma garanaysaa cidda si fiican wax uga qabatay?Shearer ayaa yidhi. “Waxaan qabaa Nottingham Forest. Elliot Anderson si fiican ayuu u shaqeeyay. Nikola Milenkovic [sidoo kale]”.
Be the first to comment