Labada Kooxood Ee U Gudbay Wareega 8 Dhamaadka Koobka Kooxaha Adduunka.

Laba kooxood ayaa xaqiijiyay in ay u soo gudbeen wareega 8 dhamaadka koobka kooxaha aduunka 2025.

Kooxdii ugu horreysay ee u soo baxda waxay ahayd Palmeiras, oo 1-0 ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Brazil, Botafogo ciyaartii ugu horreysay ee wareegga 16-ka.

Palmeiras ayaa haatan wajihi doonta Chelsea wareega 8da.

Blues ayaa booskeeda sii goosatay ka dib markii ay 4-1 kaga badisay Benfica, ciyaar soo bilaabatay sabtidii, islamarkaana la dhammeeyay Axadii, sababo la xiriira cimilada oo xun.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga