Laba Sabab Oo Ay Arsenal U Joojisay Baacsiga Benjamin Sesko

Benjamin Sesko ayaa u muuqda inuu waayi doono u wareegida Arsenal iyadoo Gunners ay qarka u saaran tahay inay dhameystirto saxiixa Viktor Gyokeres.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Slovenia ayaa ku dhawaaday inuu ku biiro Arsenal 12 bilood ka hor ka hor Euro 2024, lakiin waxa uu doortay inuu ka sii mid ahaado kooxda Bundesliga ka dhisan oo uu u saxiixay qandaraas cusub.

Kadib markii ay ku fashilmeen ku guulaysiga horyaalka premier League mar kale, Arsenal ayaa suuqa ugu jirta xoojinta weerarka.

Agaasimaha cusub ee Sporting Andrea Berta ayaa u muuqday in uu horumar ka samaynayo wadahadaladii uu kula jiray Leipzig laakiin wax heshiis ah lama gaadhin.

Sida laga soo xigtay The Independent, Arsenal ayaa 10 milyan ka hoosaysay qiimaha ay Leipzig ku doonaysay xiddiga oo ahaa 80 milyan oo euro.

Dhinaca kale heshiiska shaqsiga ah ee xiddiga ayaa dhibaato ku ahaa kooxda.

Sidaas darted qiimaha RB Leipzig oo aad u sareeya Iyo heshiiska shaqsiga ah oo ay kooxdu ku dhibaatootay ayaa keentay in ay Arsenal dareenkeeda u jeediso saxiixa saxiixa Victor Gyokeres.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga