La Ogaaday: Tababare Iska Diiday In Uu Erik Ten Hag Ka Badalo Man United Xagaagii Oo La Ogaaday.

Tababaraha Stuttgart Sebastian Hoeness ayaa lagu soo waramayaa inuu ‘diiday’ fursad uu ku noqon lahaa tababaraha Manchester United xagaagii.

Tababaraha Man United Erik ten Hag ayaa haatan u dagaalamaya sidii uu shaqadiisa u sii haysan lahaa kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Red Devils ayaa badisay kaliya labo ka mid ah todobadii kulan ee ugu horeysay Premier League (2 bar-baro, iyo 3 guuldarro), taasoo ka dhigeysa inay ku jiraan kaalinta 14aad ee kala sarreynta Premier League.

Nasiib darro Ten Hag, tani maaha markii ugu horeysay ee uu arko shaqadiisa oo halis ku jirta maadama uu xagaagii ku dhawaaday in shaqada laga caydhiyo.

Man United ayaa kaalinta 8-aad ku dhamaysatay premier Legaue xilli ciyaareedkii hore sidoo kale wareega Group-yada kaga hadhay tartanka champions League.

Kadib dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, maamulka Man United ayaa suuqa u galay tababare cusub oo ay ku badalaan Erik Ten Hag.

Sida laga soo xigtay Bild, Man United ayaa sidoo kale xiriir la samaysay Hoeness si uu shaqada uga badalo Erik Ten Hag.

Man United ayaa Hoeness u soo bandhigtay in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda laakiin tababaraha Stuttgart ayaa ugu dambeyntii diiday dalabkooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga