La Ogaaday: Sababtii Keentay Murankii Dhexmaray Klopp Iyo Salah Oo La Ogaaday

Mohamed Salah iyo Jurgen Klopp ayaa laga yaabaa inay ahaayeen labada shaqsi ee sababta u ah in ay Liverpool gaadho guulo sanadihii ugu dambeeyay.

Xiddiga reer Masar ayaa ahaa xiddiga ugu muhiimsan kooxda Liverpool isaga oo hogaamiyay kooxda sanadihii ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahaatee taageerayaasha Liverpool ayaa arkay waxa ay ka xumaadaan kulankii Sabtidii ee premier League.

Marka laga yimaado bar-barihii 2/2 ahaa ee ay Liverpool la gashay West Ham ee ka saartay tartanka horyaalka waxa la arkay muran dhexmaray xiddiga iyo tababare Klopp.

Jurgen Klopp iyo Mohamed Salah ayaa la arkayay iyagoo erayo kulkulul isku weydaarsanaya kaydka ka hor intii uuna Salah badal ku soo galin.

Salah ayaan lagu soo darin shaxda Liverpool ee kulankii London Stadium, iyadoo Klopp uu weerarka u doortay Harvey Elliott, Cody Gakpo, iyo Luis Diaz.

Taa bedelkeeda, xiddiga reer Masar ayaa kaydka laga soo kiciyay 11-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Waxa la arkay tababaraha iyo xiddiga oo hadalo kulul is dhaafsanaya ka hor intii uuna Salah soo galin ciyaarta.

The Athletic ayaa sheegtay in sababta dooda ay salka ku hayso Mohamed Salah.

Xiddiga reer Masar ayaa la sheegay inuu ka xanaaqay inuu kursiga keydka ku jiray muddo dheer ka hor inta aanu soo galin ciyaarta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga