Wakiilka Marc Kosicke ayaa sheegay in Chelsea iyo Manchester United labaduba ay isku dayeen inay shaqaaleysiiyaan Jurgen Klopp kadib bixitaankiisii Liverpool, balse isku dayadoodaasi ay fashilmeen.
Waxaa la yaab iyo lama filaan noqotay markii Klopp uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Liverpool dhammaadka xilli ciyaareedkii 2023/24, kadib sagaal sano oo uu maamulayay kooxda Anfield.
Kadib waqti adag oo ay soo martay kooxda, Klopp wuxuu hoggaamiyay kooxda Merseyside si ay ugu guuleysato siddeed koob, oo ay ku jiraan Champions League 2019 iyo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii xigay.
Guulahaas taariikhiga ah waxay Klopp ka dhigeen mid ka mid ah tababarayaasha ugu waaweyn uguna caansan taariikhda Liverpool, isagoo la barbar dhigay halyeeyo ay ka mid yihiin Bill Shankly iyo Bob Paisley.
Chelasea iyo Manchester United ayaa sameeyay weydiimo ku saabsan shaqaaleysiinta Jurgen Klopp, inkastoo Jurgen si cad u sheegay inuusan tababari doonin koox kale oo England ah.
Wakiilkiisa kalsoonida badan, Marc Kosicke, ayaa u sheegay Transfermarkt:
“Weydimo way jireen, inkastoo Jurgen si cad u sheegay inuusan tababari doonin koox kale oo England ah. Weydimahaan way sii socdaan.”
“Isagu aad ayuu ugu faraxsan yahay waxa uu gaaray.”
“Weli waa wax cajiib ah in taariikhda lagu qoro inuu ka mid noqdo tababarayaasha yar ee maamulay saddex kooxood oo kaliya, isla markaana aan waligood shaqada laga eryin.”
Be the first to comment