La Ogaaday: Arsenal Oo Iska Diiday Saxiixa Xiddig U Ciyaara Man United.

Lisandro Martinez ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib Final-kii koobka FA Cup-ka waxana uu muujiyay in y Man United u xiistay xiddiga.

Waxa ayna dad badan ogayn ayaa ah in Arsenal loogu soo bandhigay lacag aad uga yar intii ay Man United ku iibsatay 12 bilood ka hor intii uuna ku biirin United laakiin Arsenal ayaa iska diiday.

Diidista Arsenal ayaa u fiicnayd Man United kuwaas oo la soo saxiixday Lisandro Martinez Waxana uu soo bandhigay aab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga reer Argentine ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii Final-ka FA Cup-ka.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga