La Liga Oo Shaaciyay Sababta Uu Lamine Yamal Ugu Guulaysan Waayay Abaalmarinta Ballon d’Or

Madaxweynaha LaLiga, Javier Tebas, ayaa sheegay in garabka Barcelona ee Lamine Yamal laga hor istaagay abaalmarinta Ballon d’Or 2025 sababo la xiriira da’diisa.

Si kastaba ha ahaatee, Tebas wuxuu muujiyay rajo ah in Yamal uu dhawaan ku guuleysan doono abaalmarintaas.

Ousmane Dembélé oo ka tirsan Paris Saint-Germain ayaa kaalinta koowaad ka galay codbixinta Ballon d’Or sanadkan, halka 18 jirka Yamal uu noqday kaalinta labaad.

Yamal si kastaba ha ahaatee wuxuu guriga la aaday Kopa Trophy oo loo bixiyo ciyaaryahanka da’yarta ugu fiican, abaalmarin uu hadda ku guuleystay labo sano oo xiriir ah.

Tebas wuxuu yiri:

“Haddii uu ka weynaan lahaa 23 jir, isagaa ku guuleysan lahaa, waan hubaa, balse maadaama uu ka yaraa, waxay siiyeen kan kale [Kopa Trophy].”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga