
Jude Bellingham ayaa lagu ganaaxay labo kulan oo horyaalka La Liga ah ka dib casaankii uu qaatay Sabtidii Osasuna.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ayaa casaan toos ah loo taagay ciyaartii ay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah oo ka tirsan horyaalka La Liga.
Bellingham ayaa sheegay in si khaldan ciyaarta looga saaray laakiin La Liga ayaa dusha ka Ganaax 2 kulan ah.
Be the first to comment