Kylian Mbappe ayaa qirtay inuu ku fikiray inuu iska diido fursad uu ugu biiri lahaa Real Madrid xagaagan si uu walaalkii ka yar Ethan u siiyo fursad uu ku sii joogo Paris Saint-Germain.
Ka dib heshiis dheer oo qandaraas ah, Mbappe ayaa ugu dambeyntii ka tagay PSG xagaagii markii uu heshiiskiisu dhacay wuxuuna qalinka ku duugay heshiis Madrid, halka 17-jirka Ethan uu isna beeca xorta ah ugu biiray Lille.
Mbappe ayaa wareysi uu siiyay Canal+ ayaa sheegay in uu ka xumaaday in xaaladiisu ay saamaysay mustaqbalka Ethan ee PSG isla markaas uu ka tagay kooxda.
“Waa ay dhici kartay, waa waxa sida ugu badan ii saameeyay,” ayuu yiri Mbappe.
“Waxa uu ii sheegay in aanu doonayn in uu sii joogo, in aanay caadi ahayn in ay sidaas igu sameeyaan, waxa aan ku idhi, ‘Haddii aad doonayso in aad sii joogto, waan cusbooneysiin doonaa, muddo ayaan joogi doonaa”.
“Waan ka tanaasuli lahaa riyadaydii Madrid sabab la xidhiidha Ethan maadama uu yahay walaalkay”.
Be the first to comment