Kyle Walker Oo Ka Warbixiyay Dhaawaca Soo Gaadhay Kulankii Brazil, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Arsenal.

Daafaca Manchester City Kyle Walker ayaa ka warbixiyay xaaladiisa dhaawac ka dib markii lagu qasbay inuu garoonka ka baxo qeybtii hore ee ciyaartii saaxiibtinimo ee England ay la ciyaareen Brazil habeenkii sabtida.

Walker ayaa la bedelay daqiiqadii 20-aad ee guuldaradii 1-0 ee Three Lions, iyadoo daafaca midig uu u muuqday mid ka xanuunsanaya muruqa.

Tababaraha England Gareth Southgate ayaa sheegay ciyaarta kadib in la qiimayn doono xaalada xiddiga maalmaha soo socda isla markaas ayna u badnayn in uu ciyaaro kulanka Belguim.

Walker ayaa baraha bulshada kaga hadlay dhaawaca soo gaadhay waxana uu xiddigu sheegay in uuna dhaawaca soo gaadhay ahayn mid halis ah.

Walker ayaa bogiisa Instagram-ka ku soo qoray: “Anigoo ka niyad jabay in aan dhaawac ka soo baxo kulankii xalay gaar ahaan markii aan kabtan u ahaa xulka”ayuu yidhi.

“Runtii sharaf weyn ayay ii ahayd in aan kabtan u noqdo kooxda waxa aan rajanynayaa in aanu dhaawacu halis ahayn, waxan soo laaban doonaa sida ugu dhakhsaha badna”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga