
Patrick Dorgu ayaa ganaax ku maqnaan doona seddex kulan ka dib markii la siiyay kaarka cas oo toos ah intii lagu guda jiray guushii weyneyd ee Manchester United ay 3-2 kaga badisay Ipswich.
20-sano jirkaan daafaca dambeedka ka ciyaara, oo bishii January kaga soo biiray kooxda Lecce ayaa kaliya kulankiisii seddexaad u saftay Red Devils, waxaana uu doonayay inuu soo jiito Ruben Amorim.
Si kastaba ha ahaatee, Dorgu ayaa door ka ciyaaray goolkii ay dhalisay kooxda Ipswich ka hor inta aan ciyaarta laga saarin.
Dorgu ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadii 43-aad kadib markii uu khalad ku galay xiddig u ciyaara kooxda Ipswich.
Kadib kaadhka cas xiddiga Dorgu ayaa seegi doona 3 kulan oo ay ciyaarayso kooxdiisu kulamada soo socda.
Xiddiga Dorgu ayaa seegi doona kulanka FA Cup-ka ee ay la ciyaari doonaan Fulham ka hor inta uuna seegin kulamada Arsenal Iyo Leicester City.
Be the first to comment