Kulamada Uu Mikel Merino Ka Maqnaan Doono Arsenal Oo La Ogaaday Kadib Dhaawacii Garabka Ka Soo Gaadhay.

Saxiixa cusub ee Arsenal Mikel Merino ayaa dhaawac garabka ah ku maqnaan doona ilaa bartamaha bisha October sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa xiddiga Merino kula soo wareegtay heshiis dhan 31.6 milyan euro maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin kooxda Arsenal ilaa haatan sabab la xidhiidha in uu ku dhaawacmay tababarkii ugu horeeyay ee uu la qaatay kooxda.

Merino ayaa haatan la sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo laba bil ah waxana uu seegi doonaa 7 kulan.

Sida laga soo xigtay Mailonline, Merino ayaa kooxdiisa ka maqnaan doona 7 kulan oo isugu jira tartamada oo dhan.

Kulamada uu ka maqnaan doono waxa ka mid ah champions League, Premier League iyo Carabao cup.

Halkan kaga bogo kulamada uu Merino ka maqnaan doono kooxdiisa Arsenal.

Tottenham (A) Premier League – Sep 15

Atalanta (A) Champions League – Sep 19

Man City (A) Premier League – Sep 22

Bolton (H) Carabao Cup – TBC

Leicester City (H) Premier League – Sep 28

Paris Saint-Germain (H) Champions League – Oct 1

Southampton (H) Premier League – Oct 5

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga