Kooxda Uu Salah Ku Biirayo Oo La Ogaaday Marka Uu Ka Tago Liverpool.

Kooxda Saudi Pro League ee Al Hilal ayaa loo arkaa kooxda ugu cadcad saxiixa weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah hadii uu xagaagan ka tago Anfield.

Salah ayaa ku jira lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaska uu kula jiro Liverpool, waxaana uu si cad kooxda u saaray cadaadis weyn oo ku aadan inuu u kordhiyo, isagoo inta badan qirtay inuu dareemayo inuu ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo Salah uu ku jiro qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa ee xirfadiisa ciyaareed – Laacibka reer Masar ayaa dhaliyay 23 gool iyo 17 caawin 32 kulan oo uu ka hoos ciyaarayay tababaraha cusub ee Arne Slot ilaa maantadan la joogo, wali heshiis cusub lagama gaadhin, waxana uu xor u yahay in uu heshiis la gaadho kooxaha dibada.

Kooxo faro ku tiris ah oo ka dhisan dhul weynaha Yurub ayaa lala xiriiriyay Salah, laakiin The Telegraph ayaa magacawday Al Hilal inuu yahay kooxda ugu sareysa ee doonaya.

Al Hilal ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub oo magac leh ka dib markii uu Neymar ka tagay kooxda waxana ay Salah u calaamadsadeen xiddiga ay doonayaan saxiixiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga